Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo galabta wadahadal telefoon la yeeshay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa la xaqiijiyey in uu diiday dalabka Mareykanka ee ah inuu ciidamadiisa kala soo baxo Sool, si dagaal dambe looga baaqsado iyo qabashada Doorasho loo dhan-yahay heshiisna lagu yahay Jadwalkeeda.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo xarunteedu tahay Muqdisho oo war kooban soo saartay ayaa sheegtay in Wadahadal aan waxba la isku reeban uu dhexmaray Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland.
Qoraalka safaarada ayaa lagu sheegay inay labo qodob hordhigeen Muuse Biixi lagana doonayo inuu fuliyo kuwaasoo kala ah, Inuu ciidamadiisa ka fogeeyo magaalada Laascaanood iyo inuu doorasho jadwalkeeda deg deg loo shaaciyo soo bandhigo.
Ilo aad ugu dhaw Madaxtooyada Somaliland ayaa u sheegay Allbanaadir Onlne in Muuse Biixi labada qodoba uu ka biyo diiday, kana keenay dood ah in Sool ay Somaliland tahay tabasho dadweyne ay jirto balse ay argagixiso kula dagaalamayaan, Doorashadana ay guddiga loo xilsaaray gacanta ku hayaan jadwalkeeda.
Mareynanka ayey wararku sheegayaan inuu ka carootay diidmadan, si qayaxana ugu sheegay Muuse Biixi in wixii la awoodo ee la diido waxyaabaha ka dhasha aan loo sinaan doonin, taasoo ka dhigan Mareykanka ay qaadi doonaan talaabo adag oo aan la ogeyn waxa ay noqon doonto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com