Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo Muuse Biixi hordhigay 2 qodob (Wadahadal aan waxba la isku reeban)

Wadahadal aan waxba la isku reeban oo dhexmaray Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa soo dhamaaday kuwaasoo diirada lagu saaray xal u helida colaada ka taagan magaalada Laascaanood.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo xarunteedu tahay Muqdisho oo war kooban ka soo saartay wadahadalkaas ayaa waxay sheegtay inay labo qodob hordhigeen Muuse Biixi lagana doonayo inuu fuliyo kuwaasoo kala ah

1-Inuu ciidamadiisa ka fogeeyo magaalada Laascaanood iyo

2- Inuu doorasho jadwalkeeda deg deg loo shaaciyo soo bandhigo.

Waa markii 2aad oo ay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya  isticmaasho erayga “Wada hadal aan Waxba laysku reebin” taasoo muujineysa in beesha caalamku ka sii dhamaanayo dulqaadkii uu u hayey maamulka Muuse Biixi.

Marka la eego Diblomaasiyadda laguma degdego in la sheego hadalka la isdhaafsaday oo caddaan ah, haddii aan laga baqaneyn in dhinac qariyo ama duwo waxa la is yiri. Laakiin Safiirku waxba ma qarin sida ay qabaan dadka falanqeeya arrimaha Somalia

Safiirku qoraalka kama uu bilaabin inuu ka warramo ‘inay wada hadleen Madaxweynaha’ ama warka uu u socday inuu inoo sheego oo ah inay wada hadleen. Balse waxa uu ku bilaabay inuu sheego mawqifkiisa oo ah “Waxa uu madaxweynuhu awood u leeyahay inuu sameeyo, ee dabcan ay tahay in uu fuliyo”

In Safiirku aanu soo hadal qaadin dhinaca kale ee arrintu khusayso, waxaay ina tusaysaa inuu qabo in ugu yaraan wejiga hore ee hawshani ay madaxweynaha kelidii u taallo, fulinteedana aanu cid kale la sugin, kuwaasoo kala ah kala durkinta ciidamada Laascaanood iyo doorashada’. sida laga fahmayo qoraalka safiirka.

Horey waxay u ahaan jirtay in la yiraahdo Dhinacyada ay khusayso ama xisbiyada isla meeldhiga waqtiga doorashada.  iyo in labada dhinac ciidamada kala durkiyaan hase ahaatee hadda hadalka safiirka intaas waa ka kulul yahay

Safiirku waxa uu si dadban u sheegay in madaxweynuhu aanu la qabin fikirka ah inuu labadaas qodob marka hore dhinaciisa ka fuliyo, waayo waxa uu yiri “Waxa aan ku dhiirrigeliyey inuu labada arrimood fuliyo. Taasoo macnaheedu yahay in isaga doodiisii aan la dhegeysan, loona sheegay “Wax kala ha dambeeyaan ee horta ku dhaqaaq labadan arrin oo adiga kugu xiran”

Diblumaasiyadda lama sheego qaabka adag ee loo wada hadlay, haddii aanu xiriirku xumayn. Tusaale ahaan iyada oo si qallafsan loo dooday ayaa la yiraahdaa, Si niyadsami ku jirto ayaanu u wada hadalnay, ama qodobbadii aanu isla soo qaadnayna isfaham ayaanu ka gaarnay.

Ereyga uu isticmaalay danjiruhu ee “Frank” ayaa isaguna ah mid adag, waayo macnihiisu waa “In qofka loo sheego run qayaxan oo aanay gabbasho ama wax la haris ku jirin, xitaa haddii uu qofkaasi ka xumaanayo ama aanu ka raalli ahayn sida hadalkaas loogu yiri, waxay ka dhigan tahay in la yiraahdo si qaawan ayaanu u wada hadalnay.

Marka la soo ururiyo warka, hadalka safiirka Maraykanku waxa uu muujinayaa:

  1. In labadan qadiyadood uu Maraykanku kaga aragti duwan yahay Madaxweyne Biixi, doonayaan in tan Maraykan la raaco iyo
  2. Iyo in xiriirka diblumaasiyadeed ee dalkiisa iyo Somaliland uu xaalad adag marayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo deg deg uga baxay Wareysi toos ah oo ka socday TV-ga (Sababta)

Caydiid Ali

Dayuurad rakaab oo Matoorkeedu qarxay iyadoo hawada ku jirta & Geeri ka dhalatay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Saraakiil iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo la laayay ( Magacyo)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---