Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubin ka tirsanaa koox dil geysatay oo lagu soo bandhigay Muqdisho (Sawirro)

Boliiska Saldhigga degmada Dharkeynley iyo Maamulka degmada oo iskaashanaya ayaa sheegay iney gacanta ku soo dhigeen eedaysane ka mid ah ciyaalweero dil ka gaystay degmada 28/3/2023  abaaro 22:30 pm.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska G/Banaadir ayaa lagu sheegay iney socoto baaris iyo baadigoob loogu jiro inta ka maqan gacanta cadaaladda ee qaybta ka ahayd fal dambiyeedka dilka ah.

Kooxaha loo yaqaano Ciyaal weerada ayaa falal amni daro oo aad u xoogan ka wada magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah, kuwaasoo iskugu jira, dil iyo falal kale oo argagax leh.

Dhinaca kale, Galabta Abaaro 5:40 ayaa Degmada Warta nabada gaar ahaan waaxda Jeneraal Daa’uud waxaa lagu dhaawacay Muwaadin darawal ka ahaa gaariga loo yaqaan iska rogaha, waxaana dhaawaca u gaystay Askari ka tirsan Ciidanka xoogga.

Ciidanka booliska Saldhigga Warta nabada oo gaaray goobta ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysanaha, waxaana la waafajin doonaa sharciga sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay taliska Booliska G/Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’sul Wasaare Xamse oo Daah-furay Mashruuca Barwaaqo oo ay ku baxeyso Malaayiin Dollar (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiye Jawaari ” Maqaamka Muqdisho Saddex Nuuc midkood ayuu noqon karaa”

Cabdi Cade

Askari dil iyo dhaawac ka geystay deg. Belad-xaawo oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---