Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Isimada dhaqanka Laascaanood oo aqbalay arrin ay Muddo dheer diidanayeen

Odayaasha dhaqanka SSC ayaa shuruud ku xiray xabad-joojin ka hirgasha magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool si loo soo afjaro colaada mudada labada bilood halkaas ka taagan.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Laascaanood ayay shaaca ka qaadeen Isimada Sool inay aqbaleen xabad-joojin ay ka codsadeen ergadii dhawaan ka tagtey magaalada Muqdisho, taasoo ay ku xireen in Somaliland ay dhankeeda si buuxda u aqbasho, isla markaana ay ciidankeeda kala baxdo Laascaanood.

“Walaalaha Muqdisho ka yimid Waxay inoo sheegeen inay doonayaan nabad iyo iney dhiiga dadka Muslimiinta ah kala bad-baadiyaan, xabad-joojinta waanu ka aqbalay dhankayaga” ayuu yiri Suldaan Aw-Seed oo ku hadlayay afka garaadada SSC.

Suldaanka ayaa sheegay inuu ku rejo wayn yahay inay guuleysato nabadeynta ay odayaashu wadaan isla markaana ay magaalada Laascaanood noqoto magaalo xasiloon.

Odayaal dhaqameedka dhawaan Muqdisho ka baxay ee nabadeynta u tagay Laascaanood ayaa dib ugu laabtay magaalada Garoowe

Waxay wadaan dadaalo ay ku doonayaan iney tagaan magaalada Hargeysa, si dhinaca kale ay ula kulmaan hase ahaayee waxaa caqabad ku noqday maamulka Somaliland oo diidan dhex-dhexaadinta ay wadaan, iyadoo xubno ka tirsan mamaulka Muuse Biixi ay odayaasha ka yimid Koonfurta ku tilmaameen kuwo wada wax ay ugu yeereen fara gelin ka dhan ah arrimaha gudaha Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo bilowday buuxinta biyo xireenka Wabiga Niil iyo Sawiro laga soo qaaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir katirsan Maamulka Puntland oo saakay ku geeriyooday magaalada Garawe

Cabdi Cade

Carro ka dhalatay Qoraal Madaxweyne Farmaajo kasoo saaray dilka Xildhibaan Aamnina Mohamed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---