Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii ugu Dambeeyay Ansixinta Golaha Wasiirada Hirshabelle iyo Xildhibaanadii kasoo horjeeday Wasiirada  oo…

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in maanta lagu wado in Xildhibaanada maamulkaasi kulan aan caadi aheyn isugu yimaadaan.

Kulanka Xildhibaanada ayaa sida aan wararka ku helnay waxaa lagu horgeyn doonaa Golaha Wasiirada uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay kulamo kala duwan Jowhar kula lahaa Xildhibaanada Hirsahabelle ee kasoo horjeeday Wasiirada uu magacaabay, waxa uuna Madaxweynaha ugu dambeyn qanciyay xildhibaanadii diidanaa Wasiiradiisa.

Waxa uu ka Codsaday Waare in Xildhibaanada mudo lix bilood ah fursad siiyaan golaha Wasiirada cusub hadii ay wax qabad muuqda la imaan waayaana u balan qaaday in uu kala diri doono.

Inta badan Xildhibaanada Hirshabelle ayaa taageeray hadalka Madaxweynaha halka xildhibaanada qaar wali saluugsan yihiin Wasiirada , waxa ayna sheegeen Xildhibaanadaasi in codka Kalsoonida u diidi doonaan hadii Baarlamaanka la horkeeno.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa soo magacaabay Wasiiro uu ka ilaaliyay Xildhibaanada maamulkaasi, waxa ayna tilaabadaasi ka careesiisay Xildhibaano badan oo doonayay in ay kamid noqdaan Golaha Wasiirada cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Qaranka oo ka qeyb gashay Salaad Janaaso oo lagu dukay Marxuun Xildhibaan Axmed Mayow (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay booqashadii Madaxweyne Farmaajo & Wafdigiisu ku joogeen Doxa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---