Safiirka Soomaaliya Larry Andre ayaa qoraal uu u soo saaray ku sheegay in howlgalka wejigiisa hore laga gaaray guulo waaweyn.
“Hawlgallada ay Soomaalidu hoggaaminayeen waxay madaxbannaanidii Soomaaliya kusoo celiyeen saddex meelood-meel dhulkii ay sida xun u maamulayeen al-Shabaab. Soo af-jaridda caburiska Al-Shabaab waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib usoo noolaynta buuxda ee Soomaaliya.”ayuu yiri danjiraha
Waxaa uu intaas ku daray in Mareykanku uu taageero buuxda siinayo wejiga labaad ee howlgalka oo ka balaaran kana culus kii hore wuxuuna xusay i Mareykanku la dhacsan yahay habka ilaa hadda dowladu u wajaheyso Al-Shabaab.
La-taliyaha amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Guutaale ayaa sheegay in dhammana waddamada safka hore ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ay oggolaansho ka Qaramada Midoobay inay ka qaybqaataan hawlgallada lagu soo cleinayo nabadda Soomaaliya, ayna dawlada ka caawinayaan sidii looga guulaysan lahaa loogana soo af-jari lahaa Al-Shabaab dhammana geyiga Soomaaliya.
Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in wejiga labaad ee hawlgallada milatari looga dan leeyahay in al-Shabaab waddanka laga saaro.
Waxay dawladdu sheegtay inaysan hawlgalladu hakan doonin ilaa buqcad kasta oo ka tirsan dalka laga saaro Al-Shabaab.
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan Guutaale ayaa sheegay in dadka iyo dawladda Soomaaliyeed ay suurtogeliyeen guulaha ay ciidanku ku gaareen muddo kooban.
Waxa uu sheegay in al-Shabaab ay la dagaallamayaan dhalinyaro askar ah oo Soomaaliyeed oo si wanaagsan u tababaran, dagaalkana yaqaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com