Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka oo maanta xilka la wareegay (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Senator Abdi Hashi Abdullahi, ayaa ka qeyb galay munaasabad ay xilalka kula kala wareegeen guddiga madaxa Bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa ugu hambalyeeyay Burhaan Aadan Cumar Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka oo maanta xilka la wareegay, isaga oo Alle uga baryey in uu fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaana uu xubnaha guddiga iyo kuwii horaba ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub si loo dhamaystiro qabyo qoraalka Dastuurka oo muddo dheer qaatay.

Munaasabadda Xilwareejinta waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Xaaji Yaasiin, Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Sanatarro Xildhibaanno, Xoghayayaasha labada Gole ee baarlamaanka, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka iyo Xoghaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo marti sharaf kale.

Related posts

Xildhibaano ku shiray Dhuusamareeb oo xilkii ka qaaday Max’ed Xaashi Carabey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dad sannado kahor dadkooda dhinteen oo mar kale Murugo hor leh dareemay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo fariin ku saabsan bisha Ramadaan u diray shacabka Soomaaliyed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---