Allbanaadir.com
NEWS

Isxaaq Cabdiraxmaan Maxamed oo kasoo goostay Al Shabaab kana hadlay Sababta

Ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan taliska qeybta 600aad ayaa maanta soo bandhigay Isxaaq Cabdiraxmaan Maxamed (Muscab) oo katirsanaa dagaalyahanada kooxda Al Shabaab , kaa oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda.

War kasoo baxay taliska ciidanka milatariga qeybta 60-aad ayaa lagu sheegay in dagaalyahankan kahor inta uusan isa soo dhiibin xiriir lasoo sameeyay saraakiil katirsan ciidanka , sidaasna ugu suurto gashay in uu soo goosto.

Isxaaq oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaaa uu sheegay in sababta ku kaliftey in Al-Shabaab, isaga soo baxo ay tahay dhibaatada ay u geysaneyaan Shacabka aan waxba galabsan  iyo dhibaatooyinka kale.

Waxa uu sheegay ninkan in muddo ah uu katirsanaa kooxda Al Shabaab gaar ahaan kooxda jabhadaha, waxa uuna xusay in uu kasoo qeyb qaatay dagaalo badan oo ka dhacay deegaanno kuyaalla maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa sii kordhayay dagaalyahannada Al Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidanka dowladda ,kuwaa oo sheegayay in ay u adkeesan waayeen dhibaatooyin badan ay la kulmeen intii ay Al Shabaab katirsanaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Dani oo booqday Dekadda weyn ee Tadjoura

Cabdi Cade

Dowlad weyn oo Ciidankeeda ka mamnuucday Isticmaalka Telfoonada Casriga ah

Cabdi Cade

Booliiska oo Muqdisho ku xiray nin baraha bulshada ku baahiyay Muuqaalo laga argagaxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---