Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Shaacisay khasaaraha ka dhashay labo weerar ay ku qaadeen xeryo ciidan

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus ku qaaday saldhigyo ciidan oo kuyaalla gobolada Hiiraan iyo Jubadda Hoose, waxaana weeraraasi ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Weerarada Al Shabaab oo ku bilowday qaraxyo ayaa ka kala dhacay deegaanka Baardheere ee kuyaalla duleedka magaalada Baledweyne iyo deegaanka Sanguuni oo iskn kuyaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Al Shabaab ayaana dagaal culus kala kulmay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ee ku sugnaa saldhigyada ay weerareen, waxaana Al Shabaab markii dambe dib ugu laabteen goobihii ay kasoo duullaan tageen.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Baardheere ay ku dileen 15-askari , halka weerraka kale ee Baar-sanguuni sheegeen in ay ku dileen 17-askari.

“Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Arbaco ah weeraro ku qaadeen saldhigyada ciidamada deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka Kismaayo  iyo deegaanka Baardheere ee duleedka Baladweyne . Halkaas waxaa ku sugnaa ciidamo kala duwan oo loogu tala galay la dagaalanka Al Shabaab.  Mujaahidiintu waxay si buuxda gacanta ugu dhigeen labada saldhig ay ku sugnaayeen. Waxaa halkaas cadawga lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira, waxaana laga gubay gadiid ciidan, waxaana lagu dilay labada saldhig 32-askari” ayuu yiri Abuu Muscab.

Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado xeryaha ciidan xilliga aroortii ah, waxa ayna Al Shabaab weeraradaasi ku bilaabaan qaraxyo culus, taa oo keenta in ciidamada dowladda uu khasaaro badan kasoo gaaro weerarada gaadmada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad-badeed Soomaali ah oo maanta ku fashilantay in Markab ganacsi afduubtaan

Cabdi Cade

Booliiska Muqdisho oo qabtay rag dil iyo dhibaatooyin kalaba geestay (Sawirro)

Cabdi Cade

Masar oo fursaddii ugu Dambeesay siisay Itoobiya iyo dagaal laga cabsi qabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---