Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Ruto oo ka hadlay dibad baxyadii rabshadaha watay iyo Weerarkii Beerta Uhuro

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa si kulul u cambaareeyay dibad baxyadii rabshadaha watay ee isniintii ka dhacay magaalada Naiarobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ruto ayaa sheegay in bannaan baxyada uu abaabulay hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga uu dhaliyay rabshado, sidoo kale sabab u noqday in la weeraro lana boobo beerta madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha oo magaalada Baarliin kula hadlay jaaliyadda Kenya ee halkaasi kunool ayaa wacad ku maray in uu ilaalin doono bad-qabka dadka Kenyanka ah kana hortagi doonaan bannaan baxyada rabshadaha wata ee dadka lagu boobayo.

Banaan baxyadii Isniintii ka dhacay magaalada Nairobi iyo duleedkeeda ayaa dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa sidoo kale sababeen boob iyo in la gubo dhisamayaal.

Mucaaradka Kenya ayaa horey ugu baaqay in ay qabanayaan banaan baxyo ka dhan ah dowladda maalmaha Isniinta iyo Khamiista, waxaana jirta cabsi laga qabo in bannaan baxyada isku bedelaan rabshado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo kusii siqaya Wabxo iyo Wararkii Ugu Dambeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Israa’iil oo laga iibinayo hub casri ah oo lagu qiimeeyay Lacag ka badan $730 Milyan

Cabdi Cade

Madaxweyne Mascuud oo sheegay in Isra’il ka shaleyn doonto dilka Haniya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---