Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukuumada Oo soo saartay Amar ku socda Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda

Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa soo saartay amar faraya dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladeed in ay ixtiraamaan, raacaan kuna dhaqmaan sharciga iibaka qaranka ee dalka u yaalla si qandaraasyada la bixinayo iyo heshiisyada lala gelayo hay’adaha caalamiga ah ay u noqdaan kuwa sharciyaysan oo loo maray hannnaanka saxda ah.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa tilmaamay in dhaqan-gelinta sharciga iibka qaranka oo qabyo u ah wasaaradda maaliyadda looga dooday kulankii golaha wasiirrada uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

“Kulnka golaha wasiirrada waxaa looga hadlay arrimaha iibka qaranka iyo habsami u raaca sharicga ka yaalla iibka qaranka si ay hay’adaha dawliga ah iyo wasaarahuba ay ugu dhaqmaan. Sharcigaas waxa uu qabyo u yahay wasaaradda maaliyadda hase yeeshee waxaa jirta in lagu amray in wasaaruhu ay dhawraan habsami u raaca qandaraasyada iyo heshiisyada la gelayaan hay’adaha caalamiga ah”, ayuu yiri wasiir Xaamud.

Wasaaradda maaliyadda ayaa marka ay soo dhamaystirto Sharciga iika qaranka waxa ay usoo gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u meel mariyaan kadibna loo hor-geeeyo Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qabyo qoraalka hannaanka cadaalada iyo arrimaha amniga iyada oo warbixnno laga dhagaystay wasiirrada difaaca iyo amniga gudaha kuwaas oo ka hadlay isbedeladii ugu danbeeyay ee dhanka amniga iyo qorshaha horumarinta guud ahaan amniga dalka si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan amni la isku halayn karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hormuud iyo Salaam bank oo deeq lacag ah gaarsiiyay 200 oo qoys oo dan yar ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Talaabo afduub ah oo geesatay mid kamid ah dowladaha Yurub oo si weyn loo cambaareeyay

Cabdi Cade

Taageerada Dunidu u muujisay Galmudug iyo welwelka Mucaaradka Xariir miyaa ka dhexeeya?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---