Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada dowlada oo degaano cusub la wareegay, kaabigana ku haya degmada..

Ciidamada Xoogga dalka ayaa kaabiga ku haya degmada Galcad ee gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayso kooxda Al-shabaab

Sida ay sheegtay warbaahinta DF Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Tix, Baraag Sheekh Caamir, Caliheele iyo Cali Axmed oo dhamaantood hoos taga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

“Kooxda Khawaariijta ah ee Al-Shabaab jab xoogan ayaa loogu geeystay weerarka lagu qaaday saldhigyadoodii deeganadaas” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta DF

Dhanka Kale Al-shabaab ayaa lagu eedeeyey inay burburiyeen xarumahii isgaarsiinta degmada Galcad, halkaasoo ay caawa hareeraha ka joogaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka sida ay sheegtay warbaahinta DF.

Saraakiisha ciidamada DF ee hogamainaya howlgalkaas ayaa sheegay iney saacadaha soo socda geli doonaan gudaha degmada Galcad oo ay muddo dheer xukumayeen Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada Soomaaliya Ma Saamayn Doontaa Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya?

Cabdi Cade

Weerar Gantaal oo lagu qaaday Saldhig ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalka …

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo raali galiyay Cali Guudlaawe kuna qanciyay ka qeyb galka Shirka Wadatashiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---