Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamye Kim John Un oo amar yaab leh ku soo rogay Magaalo ku taalla dalkiisa

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa amar ku bixiyey in gebi ahaanba la xidho magaalada Haisan oo ku taalla xuduudda uu dalkiisu la lee yahay Shiinaha.

Magaaladan oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 200 kun oo qof ayaa loo haystaa rasaas laga xaday guuto ka tirsan ciidanka dalkaas kuwaas oo sugayey amniga xadka.

Iyada oo ciidanku ay bilaabeen in ay magaalada guri guri u baaraan isla markaana ay raadiyaan rasaastan oo tiradeedu dhammayd 653 xabadood.

Magaaladan ayaa sii xirnaan doonta tan iyo inta laga helayo rasaasta maqan ee ciidanka laga xaday.

Saanaddan oo la waayey horraanta bishan March ayaa lagu soo warramayaa in laga xaday askarta halkaas ku sugan oo xilligaas isu diyaarinaysay inay meesha ka guuraan.

Lama oga tallaabada uu Kim Jong Un qaadi doono haddii sidaa lagu waayo rasaastan haatan maqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Turkiga oo Arimo Muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay iscasilaada Guddoomiye Jawaari

Caydiid Ali

Gudoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka degmada X/weyne oo goor dhow la dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---