Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoysaska dadkii ku dhintay weerarkii xarunta G/Banaadir oo laga farxiyey (Sawirro)

Munaasabad isugu jirtay Quraan aqris iyo Duco loo sameenayay Shuhadadii ku shahiiday weerarkii ay Khawaarijta kusoo qaadeen xarunta Gobolka Banaadir 22 January 2023 ayaa lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Ciise Maxamuud Guure ayaa munaasabadaas ku soo bandhigay dhaqaale loo qorsheeyey in la siiyo dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii kooxda Al-Shabaab ku qaaday xarunta dowlada hoose.

Ciise Maxamuud Guure ayaa munaasabadaa ka sheegay in 69 kun oo dollar ay u qorsheeyeen inay siiyaan ehellada 8-qof oo ku geeriyooday weerarkaas.

“Dadkii ku geeriyooday weerarkaas duugtooda waan bixinay, waxaan doonaynaa inaan lacagtan gaarsiino ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkaas iyo kuwa dhaawaca ah” ayuu yiri Ciise Guure

Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Qoys kasta aan ugu tala galeen 4 kun oo dollar inta soo hartana ay siin doonaan dadka qaba dhaawacyada daran, isagoo xusay in lacagtan ay iska soo uruuriyeen shaqaalaha Maamulka gobolka oo mushaharkooda 10% ka mid ku deeqay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka Puntland oo diiday in la iibiyo dhulka Dawladda Hoose ee Garoowe

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay afgembigii milateri ee ka dhacay dalka Niger

Caydiid Ali

Wasiir ku hanjabay iney talaabo ka qaadayaan hotelada ku yaalla xeebta Liido

Caydiid Ali
Taboola Ads ---