Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakii labo cisho ku xanibnaa garoonka Kismaayo oo dib loogu celiyey Muqdisho

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo laga dhoofiyey labadii Sarkaal ee Xamar laga direy kuwaasoo labadii bari ee u dambeysey ku xayirnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Axmed Mire Ducaale iyo Maxamed Ibraahim ayaa maanta Xamar lagu celiyey kadib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u  magacowdey Taliska Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Jubbaland, waxaana u diiday iney galaan Kismaayo maamulka Jubbaland taasoo keentey in ay labo habeen ku baryaan garoonka Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  ayaa sheegay in magacaabista saraakiishan lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Kismaayo aan lagala tashan maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddigii uu magacaabay C/wali Gaas oo soo saaray shuruudaha Xildhibaanada cusub ee Puntland

Caydiid Ali

Booliiska Soomaaliya oo War xasaasi ah kasoo saaray shaqaaqadii Kismaayo

Cabdi Cade

Maxey ka wada hadleen Madaxweyne Deni iyo Senetarada Puntlanad matala (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---