Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo ka hadashay halka uu marayo qorshaha wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab oo la filayo inuu dhowaan dalka ka bilowdo.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in diyaar garowga iyo qorshaha wejiga labaad ee dagaalka uu si habsami leh u socdo heer gebogebo ahna marayo

“Bilo ka hor shaqadii soo bilaabatay weli wey socota, meel gaar ah oo meel hebel ayaa dagaal ka qaadeyna aan ku leeyahay ma jirto laakiin dib u xoreynta Khawaarijta waa hadafkeena koowaad,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

Waxaa uu sheegay in goob walba oo Al-shabaab joogto la weerarayo, aysana jirin meel ay ku badbaadi doonaan.  “Waxaa rabaa in shacabka Soomaaliyeed uga bishaareeyo in taako ka mid ah dhulka oo Khawaarij joogto xabadda aysan ka joogsan doonin.”

Wasiirka ayaa sheegay in DF aysan ka leexan nidaamkii ay markii hore ku billowday dagaalka ee abaabulka dadka deegaanka iyo qabaa’ilka.

“Shacabka Soomaaliyeed oo ay hormuud u tahay dowlada ayaa iska kaashanaya dagaalka, guulaha la gaaray waxaa lagu gaaray iskaashiga shacabka iyo dowladda, haddana deegaan walba oo la xoreynayo isla dariiqaas ayaan mari doonnaa” ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa uu xusay in cid walba oo garab ka siineysa dagaalka Al-shabaab ay dowladu kaashaneyso.

“Dowladda Soomaaliyeed ciddii ka kaalmeyneysa in Khawaarij dalka laga saaro waa kaashaneysa” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa Maxay Ujeeddada Faransiisku uu Ka Leeyahay Kenya ?(Wax badan ka Ogow)

Cabdi Cade

Heeshkiisa uu Janan qaatay, maxay uga dhigan tahay Axmed Madoobe !(Wax badan ka Ogow)

Cabdi Cade

Kooxdii fulisay qaraxyadii Kambala oo la shaaciyey & qof isqarxin rabay oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---