Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Scotland oo dooratay Raisul Wasaarihii ugu horeeyey ee Muslim ah (Sawirro)

Gobolka Scotland waxaa maanta ka dhacday doorashada hoggaanka xisbiga Scottish National Party (SNP) iyadoo uu ku guulaystay Xamsa Yusuf oo ah nin Muslim ah oo asal ahaan kasoo jeedaa dalka Pakistan.

Xamsa Yusuf ayaa berri loo dhaarin doonaa wasiirka 1-aad ee Scotland, isaga oo beddeli doonaa Nicola Sturgeon oo bil ka hor iska casishay xilkan.

Musharaxan ayaa helay %52 codadkii la dhiibtay halka musharaxa la tartameysay ee Kate Forbes ay heshay %48.

Wasiirka caafimaadka Hamza Yusuf, oo 37 jir ah, ayaa noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Muslim soo galooti ah oo Scotland ka qabta xilkan

“Doorashadii guddoomiyaha xisbiga SNP ee Scotland oo natiijo taariikhi ah ka soo baxday, waxa kaalinta koowaad galay wasiirka caafimaadka Xamza Yuusuf oo 37 jir ah” ayaa lagu yiri war ka soo baxay guddiga doorashada

Xamza Yuusuf oo ah wiil ay dhaleen qoys soo galooti ah oo Pakistani ah ayaa bishii February ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada.

Dhammaan saddexda ra’iisul wasaare ee Ireland, England iyo Scotland waxay noqdeen siyaasiyiin ka soo jeeda qoysaska soo galootiga ah ee ka yimid qaarada Aasiya.

Sanadkii 2022, Leo Varadkar wuxuu noqday Ra’iisul Wasaaraha Ireland, halka Rishi Sunak uu noqday Ra’iisul Wasaaraha UK.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada magaalada Dhuusomareeb iyo ciidankii Ahlu Sunna oo….

Cabdi Cade

Somalia oo ka qeyb galaysa Madasha “Middle East Forum on Quality & safety in Health care”

Caydiid Ali

Dagaalkii u dhexeeyey Armenia & Azerbaijan oo weji cusub yeeshay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---