Gudaha dalka Peru Waxaa ka taagan Caro xoogan ka dhalatay geerida gabar 18 sano jir ah oo la gubay ka dib markii nuu dan qabadsiiyey nin xiriir jaceyl kala dhexeeyay.
Katherine Gómez ayaa go’aansatay inay soo afjarto xirrirkooda balse ninkan oo go’aankeeda ka carooday ayaa gabadha ku gubay barxad ay dad badan joogeen.
Ninka weerarka geystay, ayaa lagu magacaabaa Sergio Tarache Parra, kaasoo aan lllaa hadda la ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay, waxaana baadi goobaya Booliska
Arintan ayaa dalka ka yaabisay, kadib markii la sheegay in boolisku ay dhawr maalmood ku qaadatay inay amar ka soo saaraan kiiskan oo argagax badan ku abuuray dad badan
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay bixinaysa abaal-marin dhan 50,000 soles qiyaastii $13,000 oo doollar qofkii keena xog ku saabsan halka uu joogo ninka dilka geystay oo baxsad ku jira.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com