Maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin dhallinyaro ah oo maxkamadda ku heshay in uu kamid ahaa dagaalyahanada Al Shabaab .
Sharma’arke Yuusuf Daa’uud ayaa maxkamadda ciidamada ku heshay in uu kamid ahaa raga fuliya dilal qorsheesan gaar ahaan tuurista bambooyinka gacanta, waxa uuna ninkan maxkamadda kahor qirtay weeraro dhoor ah uu ka qeyb qaatay.
Ciidamada dowladda ayaa ninkan gacanta kusoo dhigay xilli uu bom-gacmeed ku tuurayay koolba waardiyaha taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee kuyaalla agagaarka Ex-Kontarol Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan Al Shabaab ku biiray sannadkii2022, waxa ayna sheegtay in uu ku tashkiiliyay saaxiibkiis, ninkan ayaana tababar la xariira bambo tuurista iyo dilalka kusoo qaatay tuulada Ugunji, waxa uuna kusoo laabtay deegaanka Weydow uu degnaa.
Ninkan ayaa la sheegay in uu qayb ka ahaa dilal ka dhacay degmada Kaxda iyo bambooyin lagu tuuray ciidamo ku kala sugnaa Suuqa-Weyn ee Wadajir, Seybiyaano iyo tan hadda lagu soo qabtay oo uu ku tuurayay Taliska ciidan Astuubta ee Ex-Koontarol Afgooye.
Garsoore gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ninkan lagu helay dambiya lagu soo eedeeyay lagu xukumay 15-sanno oo xabsi ciidan ah , xukunkan ayuuna ninkan ka qaadan karaa racfaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com