Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Abiy Ahmed oo go’aan adag ka qaatay dirirta ka dhex aloosan Soomaalida iyo Oromada

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa ku hanjabay inuu gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah dalkaasi.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in marxaladdan ay ku hayso walaac xooggan, isagoo balan qaaday inuu samayn doono dib u habayn xagga ammaanka ah.

Abiy Ahmed waxaa uu sheegay inaan la aqbali Karin xasarada iska socota, isagoo xusay inuu qaadan doono go’aan kasta oo uu arko inuu lagama maarmaan u yahay wax ka qabashada goobaha ay rabshaduhu ka jiraan.

Arintan ayaa timid ka dib markii ay dhawaan hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka soo jeediyeen in wax laga qabto rabshadaha ka jira qeybo ka mid ah dalkaas.

Agaasimaha hay’adda u doodda xuquql Insaanka (HRW) ee Bariga Afrika ayaa sheegtay in dilalka Qowmiyadaha, gaar ahaan Soomaalida iyo Oromadu inay ku beertay walaac badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalka Boosaaso iyo Ciidamada PSF oo gaadiid dagaal qabsaday

Cabdi Cade

Kaalintee Muqdisho ka gashay 15ka magaalo ee qaarada Afrika ugu dadka badan?

Caydiid Ali

Toogasho dad badan lagu laayey oo ka dhacday Maraykanka & Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---