Allbanaadir.com
NEWS

Cali Dheere oo ka hadlay qorshe Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah dalka lagu soo gelinayo

Afhayeenka guud ee kooxda Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa ka hadlay qorshe cusub oo la doonayo in dalka lagu soo celiyo ciidamo Itoobiyaan ah oo la dagaalama Al Shabaab.

Cali Dheere ayaa sheegay in ay heleen xogta qorshe cusub oo dalka lagu keenayo ciidamo Itoobiyaan ah, si ay duullaan culus ugu soo qaadaan deegaannada iyo degmooyinka Al Shabaab gacanta ku hayaan.

Waxa uu sheegay Cali Dheere duullaanka Soomaaliya lagu soo qaaday in uu yahay mid caalami ah oo Mareykanka ka dambeeyo, waxa uuna xusay in ay fashilmeen duullaano hore oo ciidanka dowladda iyo diyaarado shisheeye kusoo qaadeen Al Shabaab.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa ku faanay in ay fashiliyeen duullaankii ay horey ugu soo qaadeen ciidanka Mareykanka iyo Turkiga tababareen sidoo kale gacan ka helayay diyaaradahooda dagaalka.

Cali Dheere ayaa sheegay in duullaanka ay fashiliyeen ku dileen saraakiil iyo askar badan oo soo tababareen dowladdo shisheeye, waxa uu sidoo kale xusay in gaadiidkii ciidamada qaar badan gubeen, kuwa kalana gacanta ku dhigeen.

“Duullaanka wajigeedii hore markuu fashilmay oo ciidamada dowladda wax tari waayeen oo ciidamadii uu soo tababaray wax tari waayeen oo diyaaraduhu Mareykanka wax ka tari waayeen, markaan wuxuu qaatay Mareykanka in uu Itoobiya dib usoo celiyo, marka wajiga 2-aad ee hadda la sheegayo cidda lagu tashanayaahi oo la rabo in dalka lagu soo celiyo waa Itoobiya, Itoobiyana waligeed qorshaha ay gaaladu ku taami jirtay wuxuu ahaa in ay Soomaaliya liqdo oo Soomaaliya dhammaanteed ay noqoto dal ka tirsan dalka Itoobiya” ayuu yiri Cali Dheere.

Hadalkan kasoo yeeray afhayeenka Al Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli la hadal hayo in dowladda Soomaaliya dalbatay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo gacan ka siiya howlgalo cusub oo la qorsheenayo in Al Shabaab dalka looga saaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada booliiska oo gacanta kusoo dhigay rag dil ka geestay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Dowladda Itoobiya oo loogu baaqay iney kala dirto ciidamada loo yaqaan Liyu booliis

Caydiid Ali

Halka laga keenay ciidankii Milateriga ee shalay galay Xarunta golaha shacabka oo la ogaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---