Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon maanta lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan ayaa maanta degmada Kaaraan gaar ahaan halka loo yaqaan Jiiro Wacbuudhan waxa ay ku dileen nabadoon Cali Cumar Caraale oo kamid ahaa waxgaradka iyo ganacsatada caanka ka ahaa degmadaasi.

Sida aan wararka ku helnay nabadoonka ayaa lagu weeraray laguna dilay goob uu hilib ku iibinayay oo kutaalla degmada Kaaraan , waxaana dilka kaddib goobtaasi isaga baxsaday ragii hubeesnaa ee dilkaasi fuliyay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida degmada Kaaraan ayaa dilka kaddib goobta soo gaaray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo aan lagu qaban dadkii dilka ka dambeeyay.

Dilkan loo geestay nabadoonka ayaa imaanaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyay maalmahan lagu jiro bisha Ramadaan, waxaana dilkan imaanaya xilli isbadal lagu sameeyay taliyaasha booliiska saldhigyada gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Itoobiya oo War- saxaafadeed wadajir ah soo saaray

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Xarumaha ugu Muhiimsan dowlada oo dib loo dhisayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Deni, Karaash & C/rashiid Jibriil oo heshiis ka gaaray khilaafkii doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---