Allbanaadir.com
NEWS

Thomas Kieler oo Sheekh Aadan Madoobe ku ammaanay Shaqooyin uu qabtay (Sawirro)

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxa xafiiska siyaasadda iyo xiriirka bulshada ee Midowga Yurub Mudane Thomas Kieler.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Thomas Kieler ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo badan oo muhiim ah ay ku jiraan  arrimaha bini’aadantinimo ee dalka iyo sidoo kale dhammeystirka dib u eegista dastuurka.

Mudane Thomas Kieler ayuu Guddoomiyaha  ku ammaanay kaalinta bulshada ee ku aaddan arrimaha dib u heshiisiinta qaranka, iyadoo kulanka lagu soo hadal qaaday in dhowaan ay baarlamaanka soo booqan doonaan wafti ka socda Barlamaanka Midowga Yurub.

Sidoo kale waxay Guddoomiyaha uga mahadceliyeen shuruucda Golaha ansixiyay ee taageeraya amniga dalka iyo deyn cafinta, waxa uuna cadeeyay in si dhaw wada shaqeyn ula yeelan doonaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiro katirsan maamulka Somaliland oo laga helahy cudurka Caronavirus 

Cabdi Cade

Nin dil u geestay Walaalkiis oo gacanta lagu soo dhigay iyo hadal heyn ka dhalatay dilkan

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo shaacisay halis ka taagan shan degmo oo go’doon ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---