Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Madaale oo Caawa ku afuray Degmo Amnigeeda aad u liito (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda , Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kaleĀ  ayaa Afur wadareed la qaatay odayaasha iyo culumada waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Ujeedka Afur wadareedka ayaa ahaa in guddoomiyaha gobolka Banaadir, saraakiisha amniga iyo bulshada waaxda Jamhuuriya ka wada-tashadaan xaaladaha amni iyo arrimo bulsho ee ka taagan Waaxda, kadib cabasho ka timid bulshada oo la xariira dhibaatooyin ay ku qabaan Burcad weerada.

Guddoomiyaha gobolka BanaadirĀ  oo ka jawaabaya cabashooyinka bulshada, isla markaana tixgelinaya talooyinka ay soo jeediyeen odaaasha, Culumada iyo Macalimiinta Waaxda Jamhuuriya ayaa balan qaaday in wax laga qaban doonno cabashada ka timid Bulshada ku dhaqan Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan.

Degmada Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka ugu amniga xun magaalada Muqdisho, waxaana degmadaasi si joogta ah dhibaato uga geestay ciyaal weero hubeesan iyo sidoo kale burcad xiran dareeska ciidanka dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey miisaaniyada DF ee sanadka 2023 (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Wasiir Ciid iyo Wafdi ka socda Masar oo booqday Beero kuyaala Afgooye

Cabdi Cade

(Akhriso) Garsoore loo heysto dembiyo culus oo la soo taagay Maxkamada G/Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---