Askari katirsanaa ciidanka kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gorgor ee ku sugan degmada Aadan Yabaal ayaa halkaasi lagu toogtay, xilli uu degmadaasi qeybo kamid ah ku sugnaa madaxweyne Xasan Sheekh.
Sida aan xogta ku helnay askarigan oo lagu magacaabayay C/fitaax Bashiir Sheekh Aadan waxaa dilay askari kale oo isna katirsanaa ciidamada Gorgor, kaddib markii askariga la toogtay uu diiday in uu askariga kale siiyo raashin iyo biyo uu cabo xilli bisha Ramadaan lagu jiro.
Goobjooge ayaa warbaahinta u sheegay in xilliga dilka askarigan katirsanaa ciidamada Gorgor uu dhacayay lagu mashquulsanaa soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray degmada Aadan Yabaal.
Labada askari ayaa la sheegay kahor inta uusan dilku dhicin uu dhax maray muran, waxaana goobjoogyaaal sheegeen in askariga dilka geesanaya loo diiday raasjhin iyo cabitaan uu rabay sidaa darteen carro uu qaaday u dilay askariga saaxiibkiis ahaa.
Dilka askarigan oo si weyn loo yaqaanay kana mid ahaa ciidamada Turkiga tababaray ayaa argagax ka abuuray xeradii uu ku sugnaa, waxaana dilkan ka argagaxay askarta saaxiibadiis iyo dadkii kale ee yaqaanay.
Ciidamada dowladda ayaa durba gacanta ku dhigay askariga dilka geestay, waxaana lagu wadaa in askarigaasi loo gacan galiyo maxkamadda ciidamada qalabka sida si ay xukun deg deg ah ugu rido.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com