Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kormeer ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Gashaandhiga, mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Abaanduulaha Ciidanka, Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud iyo Saraakiil kala duwan oo ku-sugnaa Taliska Guud.
Waxaana Madaxweynaha warbixin la xidhidiha Amniga iyo difaaca siiyey Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga oo uu wehelinaayo Taliyaha Ciidamada Somaliland, waxaanu wasiirku xusay in Ciidamada ay heegan buuxa ugu jiraan marwalba difaaca, dalka iyo dadka, cidkasta oo hagardaamo la damacsana ay ku dhufanayaan dhirbaaxo aanay mahadin, Ciidamadana aanay ahayn kuwo loo baqo ee ay yihiin kuwo difaac adag ugu jiraan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo muwaadiniintiisa.
Waxaa madaxweynuhu Ciidamada ku bogaadiyey kuna dhiirigelinayaa dedaalka, kartida iyo adkaysiga Ciidannimo ee ay muujiyeen kuna difaacayaan dhulkooda iyo weerarada kaga imanaya wax uu ugu yeeray  huwanta ka dagaalamaysa Laascaanood.
Waxaa Madaxweynuhu sidoo kale bogaadiyey bahda Caafimaadka ee dedaalka la barbar taagan ciidamada. Dhinaca kalena waxa uu Madaxweynuhu bogaadiyey bahda warbaahinta oo uu xusay doorka ay ku leedahay arrimaha iyo shacbi weynaha Somaliland ee taageerada la barbar taagan ciidamada.
Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu kormeer ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland, waxaana halkaa warbixin ku siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).
Waxaanu Madaxweynuhu booqday Xerada Ciidanka Birmadka ee hadh iyo habeenba heeganka ugu jira hawlaha degdega ah ee amniga sidii ay ugu gurman lahaayeen marka loo baahdo.
Ugu danbayntiina Madaxweynaha Somaliland waxa uu dardaaran iyo dhiirigelinba u diray ciidamada kala duwan ee Somaliland, waxaanu madaxweynuhu faray dhammaan ciidamada kala duwan inay laba jibaaraan dedaalkooda oo ay meel uga soo wada jeedaan cidii dhibaato la damacsan amniga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com