Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farta ku fiiqay beelaha dega Deegaannada ay Al Shabaab heestaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa shaaciyay sababta xilligan keentay in Al Shabaab wali sii heestaan deegaanno iyo degmooyin katirsan dalka .

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Al Shabaab laga adkaado sidoo kale laga saaro degmooyin iyo deegaanno badan ay heesteen sababteeda aheyd in ay kaceen dadkii deegaannadaasi kunoolaa oo hor yimid dulmiga Al Shabaab kuna guuleestaan in ay iska eryaan.

Waxa uu sheegay  Madaxweynaha deegaannada wali Al Shabaab heestaan aysan dadkooda u kicin in kooxdaasi iska dulqaadaan, waxa uuna sheegay meelaha dadkii deganaa ay kaceen aysan xilligan joogin wax Al Shabaab ah sidoo kale aysan ku laaban karin.

” Raali ahaansho ayey kamid tahay in deegaanno iyo degmooyin Al Shabaab wali sii heestaan, Al Shabaab waa la iska celin karaa oo la eryi karaa waa fuleyaal, waxa ay ku joogaan in cunug la qalday qarax kusoo xiraan oo maatida ku laayaan, kooxdan kuma joogaan dhiiranaan iyo dadnimo, diina kuma joogaan oo horey culimada u sheegtay ee haloo kaco in la iska dulqaado” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madasha uu madaxweyne Xasan Sheekh hadalkan ka jeedinayay waxaa ku sugnaa xildhibaano kasoo jeeda degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo wali Al Shabaab maamulaan, waxa uuna madaxweynaha farta ku fiiqay beelaha dega degmooyinkaasi in aysan iyagu diyaar u aheyn in Al Shababa iska dulqaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magdhaw la siiyay nin lagu qasbay in uu garab seexdo meydka xaaskiisa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay C/waaxid Axmed Faarax

Caydiid Ali

Haweeney Markii ugu horeesay loo caleemo saaray in Ugaasad Noqoto !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---