Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo shaacisay in weerar maanta kusoo qaadeen Ciidamo katirsan Puntland

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa taabacsan dadka deegaanka magaalada Laascaanood ayaa maanta ka dhacay duleedka magaaladaasi, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka Laascaanood ayaa dagaal culus ku dhax maray jiida ay isku hor fadhiyaan,waxa ayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka culus iyo kan fudud.

War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in saakay weerar kusoo qaadeen ciidankooda ku sugan duleedka Laascaanood ciidamo katirsan maamulka Puntland iyo ciidamo kale oo isugu jira argagaxiso iyo nabbad diid sida ay tilmaameen.

”Kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maamulka Puntland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa Barqadii Maanta oo ah maalintii Afraad Ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxa ay weerar ku soo qaadeen fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan duleedka Magaalada Laascaanood” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda iska difaaceen weerarka saakay lagu soo qaaday, waxa ayna sheegeen in ciidankooda marnaba uusan duullaan aheyn ayna wali ilaalinayaan xabbad joojintii horey ugu dhawaaqeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo Muqdisho kusoo celisay 17-ruux oo Soomaali ah oo kusii jeeday dalka…

Cabdi Cade

Trump oo dalbaday kulan uu la yeesho dhigiisa Hassan Rouhani & Iran ka jawaabtay

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur oo siyaasadeeyey taalooyinka Qaranka ee dib loo dayactiray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---