Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun dil ah ku riday toban nin oo loo heesto in ay katirsan yihiin Al Shabaab,kuwaa oo lagu helay in dilal kala duwan u geesteen dad shacab ah iyo xubno u shaqeenayay maamulka Puntland.
Xubnahan maxkamadda ciidamada xukunka dilka ah ku riday ayaa waxaa ku jira labo nin oo lagu helay in ay ka dambeeyeen dil magaalada Gaalkacyo loogu geestay Wariye Jamaal Faarax Aadan oo kamid ahaa wariyaasha caanka ah ee kasoo jeeday Puntland.
Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa ragan xukunka dilka ah ku riday qaarkood horey racfaan uga qaateen xukunno horey ugu dhacay, waxa ayna maxkamadda marv kale ku riday xukun dil ah.
Ragan xukunka dilka ah lagu riday ayaa maxkamadda ciidamada sheegtay in ay ahaayeen Shabaabkii dilalka badan ka geesan jiray Puntland gaar ahaan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Halkan ka akhriso magacyada xubnahan xukunka dilka ah lagu riday
: Cadde Cabdullaahi Maxamed
2 Cabdiqani Suleeymaan Jaamac
3 Xasan Jaamac Maxamed
4. Maxamed Cali Axmad Muuse
5. Farxaan Faysal Salaad Xirsi
6. Cabdulahi Faysal Xuseen
7. Barkhad Cawil Xirsi Nuur
8. Liibaan Aaden Muuse
9. Cabdiqani Farxaan Abdulahi
10. Cabdiraxman Cawil Maxamed
Isbuucyo kahor ayey aheyd markii Puntland xukun dil ah ku fulisay in ka badan toban nin oo lagu eedeeyay iyana in ay katirsanaayeen Al Shabaab ,kuwaa oo la sheegay in ay horey dilal iyo qaraxyo u geesteen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com