Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Saraakiil Itoobiyaan ah oo gaaray Baledweyne iyo Xog ku aadan ujeedka safarkooda (Sawirro)

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta halkaasi gaareen saraakiil sar sare oo katirsan ciidamada Itoobiya ee howlgalka u jooga qeybo kamid ah Soomaaliya.

Saraakiishan ciidamada Itoobiya ka socda ee gaaray magaalada Baledweyne waxaa hoggaaminaya General Tesfaye oo katirsan saraakiisha sar sare ee ciidamada Itoobiya, waxaana safarkiisa ku wehliya saraakiil kale .

Sida aan wararka ku helnay saraakiishan ayaa u tagay Baledweyne sidii ay ugu kuur gali lahaayeen qorshe la doonayo in gobolka Hiiraan lagu geeyo ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah oo la doonayo in qeyb ka noqdaan howlgalo cusub oo Galbeedka ka bilaabanaya.

Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah oon qeyb ka aheyn howlgalka ATMIS ayaa la filayaa in ay soo gaaraan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, ciidankan ayaana dowladda Soomaaliya ka taageeraya howlgalo cusub oo la doonayo in Al Shabaab lagu saaro.

Howlgalkii dowladda kula dagaalameysay Al Shababa ayaa hakad galay muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana la hadal hayaa in dowladda sugeyso ciidamo badan oo Itoobiyaan ah oo gacan ku siiya sidii Al Shabaab looga saari lahaa goobaha ay joogaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland & Jubaland oo isku qilaafsan sida loo wajahayo Farmaajo & Mucaraadka oo..

admin

Madaxweyne Lafta Gareen oo bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo Doorashada

Cabdi Cade

Ciidanka dowladda oo ka baxay magaalooyin iyo deegaanno dhawwaan qabsadeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---