Wakaallada Wararka u faafisa dalka Talyaaniga ee ANSA ayaa sheegtay inuu baxsaday Maxbuus Raashiyaan ku xirnaa magaalladda Milano.
Maxbuuska oo lagu magacaabo Artyom Uss waxaa dhalay Aleksandar Uss oo ah Guddoomiyaha Gobalka Krasnoyark ee dalka Raashiya
Wakaallada Wararka ANSA waxay sheegtay inuu Maxbuuska ka baxsaday Xabsi-guri lagu hayey (House arrest), kadib, markii uu jejebiyey Qalab Elektronik oo Lugta looga xiray, si loola socdo Dhaqdhaqaaqiisa.
Boliska The Carabineri ee Hay’adda Xoojinta Sharciga dalka Talyaaniga ayaa bilowday Baadi-goobka Maxbuuska oo la sheegay inuu shalay Galab oo Arbaco ahayd ka baxsatay Gurigii uu ku xirnaa.
Baxsashadiisa ayaa timid 24-saacadood kadib, markii ay Maxkamadda Rafcaanka ee magaalladda Milan ansixisay in Maxbuuska Raashiyaanka ee Artyom Uss loo masaafuriyo dalka Maraykanka.
Maxbuuska oo 40 jir ah waxaa bishii October ee sanadkii hore laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Malpensa Airport ee magaalladda Milan, isagoo ku eedeysan Ka-baxsi Cunaqabatayn iyo Xawilaad Lacageed (sanctions evasion and money laundering).
Maxkamadda Degmadda New York ayaa horey u soo saartay Amar Soo qabasho Caalami ah oo ka dhan ah Artyom Uss.
Dowladda Maraykanka waxay ku eedeysay Artyom Uss inuu Teknoolajiyada Milliteriga Maraykanka ka iibiyey Hay’ado Raashiyaan oo Cunaqabataynta Maraykanka la saaray iyo inuu Shidaal laga soo tahriibiyey dalka Venezuela ka iibiyey Macaamiil ku sugan dalalka Raashiya iyo Shiinaha.
Bishii October ee sanadkii hore, Maxkamad ku taalla dalka Raashiya ayaa bixisay Amar lagu soo xirayo Artyom Uss oo ay ku eedeysay Lacago la xawilay.
Si kastaba Maxbuuska Aabihiisa, Aleksandr Uss waxa uu sheegay in dacwadda la dhanka ah Wiilkiisa la siyaasadeeyey iyo inay Dowladda Maraykanka doonayso inay Artyom Uss u adeegsado Gorgortanka Isdhaafsiga Maxaabiista ee Maraykanka iyo Raashiya.