Allbanaadir.com
NEWS

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Diyaarad aan caadi aheyn oo qaadi karta hubka Nukliyeerka

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa shaacisay in biyaha hoostooda ay ku tijaabisay diyaarad awood badan oon laheyn duuliye, taa oo la sheegay in ay xambaari karto hubka halista badan ee nikliyeerka.

Wakaaladda wararka u faafisa  Kuuriyada Waqooyi, ayaa sheegtay in lagu guuleestay tijaabinta “hubka sirta ah”, waxa ayna wakaaladda sheegtay in tijaabinta hubkan ka dhacday biyaha gobolka Koonfurta ee Hamgyong .

Diyaaradan aan caadi aheyn ee Kuuriyada Waqooyi tijaabisay ayaa gunta biyaha hoostooda ku socotay in ka badan 59 saacadood, waxa ayna diyaaradan ku qaraxday xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi .

Warkan kasoo baxay dowladda Kuuriyada Waqooyi waxaa shaki badan galiyay khubaro ku xeel dheer hubka, kuwaa oo tilmaamay in aan lagu deg degi karin in la aqbalo sheegashada hubkan casriga ah ee tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa marar badan tijaabisay gantaalo casri ah ay ku jiraan kuwa ridada dheer iyo kuwa dhaxe ee xambaari kara hubka nukliyeerka, waxa ayna dowladdan Shuuciga ku mashquulsan tahay horumarinta hubka halista badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah Musharaxiinta aqalka sare ee Jubbaland oo isdiiwaan geliyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dagaalo khasaare geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Marko

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Warbixin laga siiyey olole ka socda Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---