Dayuurad uu la socday Taliyaha heyadda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ayaa arbacadii ina dhaaftay waxay xaalad adag ku qabsatay garoonka dayuuradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Allbanaadir Online u sheegay in dayuurada oo ku soo jeeday Muqdisho ay sidoo kale la socdeen Xildhibaano ka tirsan aqalka sare oo Seminaar loogu soo xiray magaalada Nairobi iyo tiro dad shacab ah.
Wararka ayaa sheegaya in inta aysan dayuurada soo duulin nin ka mid ahaa rakaabkii la socday uu si halhaleel ah uga soo degay gudaha dayuurada isagoo ku andacoonaya inuu ka baaqanayo safarka sababo uu ku sheegay in xanuun caloosha ah uu hayo.
Ninkii rakaabka ahaa ayaa la sheegay iney qabteen Booliska isagoo ku adkeystay inuusan raaceynin dayuuradaas, waxayna arrintaas dhalisay shaki laga qaaday ninkaas iyo tuhun weyn oo la xiriira in dayuurada ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa, iyadoo xaalada ay ka sii dartay markii la ogaaday in boorsooyin uu lahaa ninkaas ay ku jiraan qeybta lagu keydiyo allaabaha xamuulka ah ee dayuurada.
Booliska Kenya ayaa amray in la soo dejiyo dhammaan dadkii la socday dayuuradaas oo ay ku jireen taliye Mahad Salaad iyo Xildhibaanadii dayuurada wax ka saarnaa, waxaana la geeyey goob amaan ah.
Macluumaadka la helay ayaa sheegaya in Booliska iyo sirdoonka Kenya ee joogay garoonka Jomo Kenyatta ay baaritaan guud ku sameeyeen dayuurada, iyadoo dib loo baaray dhamaan  boorsooyinkii ku jiray qeybta xamuulka dayuurada.
Baaritaankan oo qaatay muddo ka badan saddex saacadood oo xiriir ah ayay wararku sheegayaan inuu soo dhamaaday iyadoo aan wax hub ah ama waxyaabaha qarxa laga helin gudaha dayuurada oo markii dambe la fasaxay, si amaan ahna ku soo gaartay Muqdisho, inkastoo saacado badan uu dib u dhac ku yimid duulimaadkeeda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com