Allbanaadir.com
NEWS

Guri Weyn uu lahaa Madaxweyne Joseph Kabila oo la gubay

Guri weyn uu lahaa Madaxweynaha dalka Congo Joseph Kabila ayaa la gubay kadib markii maleeshiyaad hubeesan oo kasoo horjeeda dowladiisa weerar xoogan ku qaadeen gurigaasi.

Madaxwenaha dalka Congo ayaan ku sugneyn xiliga la gubayay gurigiisa oo ku yaalla gobolka Waqooyiga Kive , waxaana la sheegay in dabka gabi ahaan uu baabi’iyay gurigaasi oo ahaa qasri aad u weyn.

Maleeshiyaadka hubeesan ee weerarka ku qaaday Guriga Madaxweynaha ayaa sidoo kale dilay sargaal booliis ah oo ilaalo ka ahaa guriga la gubay, waxaa sidoo kale la sheegay in maleeshiyaadka ay halkaasi dhac ka geesteen.

Kooxda gubtay Guriga Madaxweyne Joseph Kabila ayaa lagu waramay in ay yihiin kuwa mucaarad ku ah dowladiisa, waxa ayna arintan imaaneysa xili Madaxweynaha uu wajahayo cadaadis xoogan oo looga dalbanayo in xilka ka dego.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo kulan xasaasi ah la qaatay Wakiilada Beesha caalamka (Sawirro)

Caydiid Ali

Waa maxay xanuunka loo yaqaan alzheimer’s maxaase sababa Daawo Muuqaal ka hadlaya !!

admin

Turkiga oo dib usoo celineysa Xiriirkii Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Israa’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---