Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Midowga Afrika oo ka qeyb qaadanaya howlgalka dalka looga saarayo Al-shabaab

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Maxamed El-Amine Souef, ayaa hambalyo diirran u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed xuska bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Xilligani waa xilli aad diirada saareyso Allaha awooda leh waa Waqti lagu nadiifiyo nafta, xoojinta xiriirka qoyska, iyo muujinta dareenka iyo naxariista kuwa tabarta yar,” ayuu yiri danjire Souef.

Waxaa uu ku booriyay dadka muslimiinta ah inay u duceeyaan dalka inta lagu jiro bisha barakeysan si uu uga gudbo caqabadaha hortaagan loona xaqiijiyo in nabad iyo xasilooni la xaqiijiyo.

“Inta lagu jiro bisha barakeysan iyo xitaa ka dib, aan aan si dhow ula shaqeyno kuwa madaxda ah si aan u dhisno Soomaaliya ammaan ah, barwaaqo ah. Waxaan abaal ku leenahay jiilalka hadda jira iyo kuwa soo socda,” ayuu yiri Danjire Souef.

Waxay uu sheegay in Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), uu sii wadi doono inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira wax uu ugu yeeray argagixisada iyo kooxaha kale ee hubaysan ee mucaaradka ah oo in muddo ah u diiday dalka nabadda oo ay dad badani u ooman yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo loo celiyay Diyaarad ay sameesteen oo loogu magacdaray Gabar (Sawirro)

Cabdi Cade

Khubaro u dhashay Saudia Arabia oo saadaal ka bixiyey Maalinta ay noqoneyso Ciidul fitriga

Caydiid Ali

Xildhibaano la xiray & Madaxweyne Waare oo la kulmay wafdi ka socday Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---