Saraakiisha Booliiska la dagaalanka argagixisada ee dalka Britain ayaa sheegay inay shan nin u xireen tuhuno la xiriira falal argagixiso.
Raggan ayay booliisku ka qabteen magaaloyinka Worcester, Birmingham, Leicester iyo Bradford oo ka mid ah degaanada ay jaaliyadaha Muslimiinta ahi ku badan yihiin inkastoo aan la shaacin jinsiyadaha iyo meelaha ay raggani kasoo kala jeedaan.
Booliiska ayaa sheegay inaysan jirin khatar degdeg ah oo ku wajahan ammaanka shacabka. Dhamaan raggan ayaa la geeyey Gobolka Galbeedka Midlands oo baaritaan wareysi ah laga qaadey markii danbena lagu sii daayey damiin sida Booliska gobolkaasi xaqiijiyeen.
Hoggaamiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka India ee Congress Party, Rahul Gandhi ayaa Maxkamad ku taalla galbeedka dalkaas ay ku xukuntay laba sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay kiis dembi sumcad dil ah.
Kooxdan oo da’doodu u dhaxayso 26 ilaa 67 sano jir ayaa la soo qabtay iyagoo lagu eedeeyay inay maleegayeen dambiyo la xiriira argagixiso waxaana lagu oogay qodobka 15aad ee sharciga argagixisada ee la ansixiyey sannadkii 2000.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com