Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan aflagaado u geystay Ra’isul Wasare caan ah oo xabsi lagu xukumay

Hoggaamiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka India ee Congress Party, Rahul Gandhi ayaa Maxkamad ku taalla galbeedka dalkaas ay ku xukuntay laba sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay kiis dembi sumcad dil ah.

Waxaa loo heystaa hadallo uu sheegay oo ku saabsan magaca ra’iisul wasaare Narendra Modi, intii lagu jiray isu soo bax doorasho oo dhacay sanadkii 2019-kii.

Gandhi ayaa la siiyay dammaanad, wuxuuna ka qaadan karaa xukunkan racfaan sida Maxkamadu sheegtay

Xisbiga talada haya ee BJP, ayaa sheegay in nidaamka caddaaladeed ee dalka Hindiya loo maray kiiskan.

Intii lagu jiray isu soo baxa doorashada sanadkii 2019-kii, Gandhi ayaa waydiiyay dadka sababta dhammaan tuugta ay u leeyihiin magaca “Modi” isagoo ula jeeda laba ganacsade oo Hindi ah oo baxsad ah, dhammaantoodna lagu naanayso Modi sida ay sheegtay Warbaahinta India.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif oo War kasoo saaray gogosha wadahadalka uu fidiyay Madaxweyne Deni

Cabdi Cade

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Al Shabaab oo socda iyo Dowlada oo ka hadashay

Cabdi Cade

Masuuliyiin Mareykan ah oo Muqdisho kula kulmay Madaxda Maamul goboleedyada Qaar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---