Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladaha Saudi Arabia iyo Iran oo qaaday talaabo kale oo lama filaan ah

Sarkaal Irani ayaa sheegay in Madaxweyne Ebrahim Raisi uu casuumad la xiriirta inuu booqdo Sacuudiga ka helay Boqor Salmaan, iyadoo casuumadaasna uu aqbalay Madaxweyne Ra’isi

Dhinaca kale, Wasiirada Arrimaha Dibedda Sacuudiga iyo Iran ayaa talefonka ku hadlay si ay u xusaan billowga bisha Ramadan, ayaga oo wacad ku maray inay kulmaan “dhowaan” si loo dhaqan-geliyo heshiiska dib u heshiisiin ee taariikhiga ah, waxaa sidaas maanta sheegtay Riyadh.

Wasiirka Sacuudiga, Amir Faisal bin Farhan, ayaa wacay Hossein Amir-Abdollahian, waxayna labada mas’uul “ay is-dhaafsadeen hambalyo ku aadan munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadan” oo maanta ka billaabatay labada dal, wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga ayaa sidaas ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay twitter-ka.

“Labada wasiir waxa ay isku raaceen inay dhowaan yeeshaan kulan si dhabbaha loogu xaaro dib u furista safaaradaha iyo qunsuliyadaha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in kulanka la filayo ee wasiirada uu yahay tallaabada xigta ee heshiiskii lama filaanka ahaa ee lagu dhowaaqay 10-kii March, kaasi oo ay dhex-dhexaadisay China, si dib loogu soo celiyo xiriirka diblomaasi kadib 7 sano oo uu go’naa.

Riyadh ayaa xiriirka jartay kadib markii dibad-baxayaal Iranian ah ay weerareen safaaraddeeda 2016-kii kadib markii Sacuudiga ay xukun dil ku fuliyeen wadaad shiico ah oo lagu magacaabay Nimr al-Nimr.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal Milatari oo ku Hanjabay in xoog kula wareegayo Dekadda iyo Garoonka Muqdisho !!

Cabdi Cade

RW Rooble oo Wasiir cusub u Magacaabay Wasaarada shaqada & arrimaha bulshada

Caydiid Ali

DF oo faahfaahin ka bixisay sababta kaliftay in la soo celiyo xiriirkii Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---