Waxgarad iyo haween kasoo jeeda beesha Murusade oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhul boob xoogan oo ay sheegeen in ay ku hayaan dad huwan shaarka dowladda Soomaaliya.
Nabadoon Maxamed Xasan Qatal oo katirsan nabadoonada warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhulkooda oo kuyaalla degmada Dayniile gaar ahaan agagaarka wasaaradda Gaashaandhiiga boobayaan dad huwan shaarka dowladda.
Waxa uu sheegay nabadoonka in dhulkan uu yahay goofaf ay iyagu lahaayeen, waxa uuna xusay in iyagu yihiin dadkii markii hore siiyay dowladdii dhaxe dhulka wasaaradda Gaashaandhigga ayna heestaan hadda dukumiintoyo.
Nabadoonka ayaa sheegay in dad aan dhulkaasi wax shaqo ah ku laheyn oo meelo kale ka yimid doonayaan in dhulkaasi boobaab una sameestaan sharciyo been abuur ah ,iyaga oo hugsan shaarka iyo awoodda dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda kale ee dowladda ayey ugu baaqeen waxgaradka maanta la hadlay warbaahinta in caddaalada u hiiliyaan kana hortagaan dhul boobka ay wadaan dad sheeganaya awooda dowladnimo.
Dhulkan ay dadkan milkiyadiisa sheeganayaan ayaa isugu jira kuwa bannaan iyo kuwa kale oo dad aan laheyn degan yihiin, waxa ayna cabashadooda imaaneysaa xilli ay socdaan qorshe ay saraakiil hor boodayaan oo la doonayo in dhulkaasi lagu xalaaleesto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com