Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo hanjabaad usoo diray Uganda ugana digay hirgelinta Sharci ka dhan ah…

Dowladda Mareykanka ayaa farriin adag oo hanjabaad ah usoo dirtay dowladda Uganda oo dooneysa in dalkeeda ka hirgaliso sharci adag oo ka dhan ah dadka isku jinsiga ah ee is guursada ama isku taga.

Qoraal kasoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa looga digay dowladda Uganda hirgalinta sharciga ka dhanka ah dadka isku jinsiga, waxa uuna Mareykanka sheegay in Uganda cawaaqib xun kala kulmi doonto hir-galinta sharcigaasi.

Aqalka Cad ayaana ku hanjabay suurtagalnimada ah in Uganda  la kulmi doonto cawaaqib xumo dhaqaale waa haddii ay dowladda si rasmi ah u dhaqan galiso sharciga ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah.

Baarlamaanka dalka Uganda ayaa meel mariyay hindise-sharciyeed  dhigaya in xabsi daa’in lagu ridi doono dadka la ogaado inay isku jinsi yihiin ee ku nool Uganda, wuxuu sidoo kale sharcigan farayaa in xukun dil ah lagu ridi karo kiisaska qaar.

Dalka Uganda ayaa sharci darro ah ka ah kana mamnuuc ah in ay isku tagaan dadka isku jinsiga ah, waxaana sharcigan si weyn uga soo hor jeestay qaar kamid ah waddamada reer Galbeedka oo uga digay madaxweynaha in uu saxiixo sharcigaasi si uu u dhaqan galo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gantaalo caawa lagu Weeraray Tel aviv iyo meelo kale

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Bajaajley Banaan bax kahor dhigay xarunta CID-da iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Dhimashada Dhulgariirkii Turkiga oo dhaaftay 1,500 iyo Wararkii u dambeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---