Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) RW Xamse oo soo xiray tartankii Ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir

Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa u hambalyeeyey Xulka deegaanka Gubadleey oo ku guuleystay Koobka Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo ka socday Caasimadda Muqdisho, isagoona guddoonsiiyey Koobka tartanka.

Xulka Gubadley ayaa 4-3 Rigoorayaal kaga adkaaday Kooxda Warta Nabada ka dib markii waqtigii loogu talo galay ciyaarta ay ku soo dhamaatay barbar dhac 0-0 ah

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey Xulka Degmada Warta-Nabadda oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah, ayaa tilmaamay in ciyaartoyda, Macallimiinta iyo Maamulka Kubadda Cagta ee degmooyinka iyo deegaannada Gobolka banaadir ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran.

“Waxaan rajeynayaa  in cayaaruhu ay dhallinyarada  ka ilaaliyaan ku biirista fekerka xagjirnimada, ma shaqeyste-nimada iyo daroogada, jidka toosanna ku hagaan.

Waxaan kuligeen u xil saarannahay inaan nabadda ka shaqeyno oo isku xirnaanno guryaheenana garan waaga ka saarno.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku tilmaamay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir astaan nabadeed oo bulshadu isku arkayso, kana tarjumaya qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshadu ay u leeyihiin horumarka Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyey qabanqaabada iyo hannaanka maamulka Koobka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo si mugleh isaga kaashaday qabsoomidda tartankan.

Related posts

Ganacsato ku eedeysan iney dalka soo geliyeen waxyaabo qarxa oo Maxkamad la soo taagay

Caydiid Ali

Malaayiin qof oo maanta u dareeray doorashada Guud ee ka bilaabatay Itoobiya (Sawirro)

Caydiid Ali

Israel oo boqol weerar oo cirka ah ku qaaday Xisbullah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---