Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidan ka kooban NISA & Danab oo howlgal ku dilay 23 ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Jubaland, Ciidanka Danab Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska XDS  ayaa  sheegay iney burburiyeen xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Kooxda Al-shabaab oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Howlgalkan qorsheysan ayey ciidanku ka fuliyeen deegaano ay kamid yihiin Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani, Qudus iyo Yaaq dabayl oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.

“Ciidamada ayaa howlgaladan qorsheysan ee ka dhacay deegaanadan kale duwan ku dilay 23 kamid ah Khawaarijta kuwaasoo ay ku jireen laba horjooge oo kala aha Axmed Cali Faarax (Abuu Cabaas) iyo Geedi Warfaa Cali (Abuu Muscab)” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada NISA.

Sidoo kale sarkaalka ayaa intaas ku daray ciidamadu ay fashiliyeen qaraxyo ay doonayeen kooxda Al-shabaab inay galiyaan waddooyinka iyagoo gacanta ku soo dhigay labba kamid ah kuwii miinooyinkaa hagayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Cali Guudlaawe ku soo arkay Isbitaalka degmada Aadan Yabaal (Sawirro)

Caydiid Ali

Kuraas isku bedelasho iyo Ceebo kale oo ka dhacay Doorashadii Kismaayo (Akhriso)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh & dhigiisa Ruto oo Nairobi ku kulmay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---