Allbanaadir.com
NEWS

Cudur lagu Jahwareersanaa dadna ku dilay Tanzania oo hadda la ogaaday waxa uu yahay

Dalka Tanzania ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dilaacay cudur dadka jahwareer badan ku riday, kaa oo galaaftay nolosha dhowr qof halka dad kale oo badana cudurkaasi dartiis xarumo caafimaad loo dhigay.

Cudurkan ka dilaacay dalka Tanzania ayaa abuuray hadal heyn badan , waxa ayna dadka u dhashay dalkaasi cudurkaasi ku abuuray jahwareer ,iyagoo garan waayay waxa uu yahay iyo waliba daawadiisa.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Tanzania ayaa sheegtay in hadda la ogaaday waxa uu yahay cudur lagu jahwareersanaa oo ka jiray dalkaas, kaasoo lagu sheegay in uu yahay cudurka Marburg haemorrhagic.

Cudurkan oo dalka Tanzania ku dilay shan qof ayaa la sheegay in qofka uu ku dhaco uu isku arkaayo qandho daran, dhiig bax iyo inay shaqada gabaan qaar kamid ah xubnaha muhiimk ah ee jirka.

Wasiirka caafimaadka ee Tanzania Ummy Mwalimu ayaa ugu baaqday shacabka inay is dejiyaan, waxa uuna sheegay in dowladda ku howlan tahay xakameynta cudurkan ayna dhigeen xarumo caafimaad dadka uu ku dhacay iyo kuwa looga shakiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War Deg Deg Ah: Dil Goordhaw ka dhax dhacay Xarunta Degmada Howl Wadaag

admin

Xukuumada oo ka hadashay in ay ka laabaneyso Dacwada Badda ee Kenya kala dhaxeeya

Cabdi Cade

Hoyga Ex-RW Najib Razaq oo laga soo saaray lacag & dahab caqliga ka baxsan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---