Allbanaadir.com
NEWS

Dad badan oo ku dhintay daadad kusoo rogmaday degmada Baardheere

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay halkaasi ka da’ay roob aad u xooggan, kaa oo dhaliyay in daadad ka dhashay ayna khasaaro kasoo gaaraan dad badan.

Daad ka soo rogmaday tog ku yaala degmada Baardheere ayaa sababay geerida sagaal qof oo u badnaa dhallinyaro, dhallinyaradan xalay daadka qaaday ayey adkaatay in lasoo badbaadiyo  .

Dadkii ku dhintay daadka kusoo rogmaday degmada Baardheere ayaa qaarkood la waayay nolol iyo geeri, waxaana jira dad lasoo badbaadiyay oo dhaawacyo culus kasoo gaareen daadkii la tagay.

Degmada Baardheere ayaana waxaa xalay ka da’ay roob mahiigaan ah, waxaana magaalada saakay laga dareemayaa saameynta ka dhalatay dhibaatadii xalay uu sababay roobkii da’ay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo xalay Muqdisho ka fulisay weerar khasaaro badan dhaliyay

Cabdi Cade

Askari dilay gabar wax ka baraneysay Jaamacad ku taalla Magaalada Garowe

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka hadlay Hadalkii Lafta Gareen iyo Fal Celiskii ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---