Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir ka farxiyey gabar Murugo heysato oo baraha bulshada lagu baahiyey (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Somalia Mudane Xil. Maxamed Barre Maxamuud oo dalka dibaddiisa safar shaqo ugu maqan ayaa ka jawaabay  baaqa Iglan Cabdullaahi Maxamed oo ah gabar Soomaaliyeed oo shaqo doona ah taasoo sheekadeeda iyo midda qowskeeda dareen taabadka lahayd lagu faafiyay baraha Bulshada.

Wasiirka ayaa amray waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha in la hawlgeliyo gabadhaas Soomaaliyeed oo lagu qoro boos darajada labaad (B) ee shaqaalaha Ku meel gaarka ah ee gunnada qaata, isagoo wasiirku ballan qaaday in muddo kooban gudaheed  marka ay tababarrada dhamaysato loo dalacsiin doono darajada (A) oo ah heerka ugu sareeya ee shaqaalaha rayidka ah.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay inuu xil ka saaran yahay guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed  isagoo caddeeyay in awoodda wasaaradda ee wax ka qabashada shaqo la’aanta dhallinyaradu ay koobantahay laakiin kiiska Iglan oo dad badan dareenkooda dhaqaajiyay isla markaana masuul ka ah walaalaheed ka yar yar ay xil gooni ah iska saarayaan.

Iglan Cabdullaahi Maxamed iyo qowskeed ayaa ka mid ah dhibanayaasha  weeraradii argagixiso ee dalka ka dhacay iyadoo ku wayday Waalid iyo walaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com,
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jaamacada Jazeera oo Ogeysiis Muhiim ah u heysa Ardayda ka baxday Dugsiga sare

Cabdi Cade

Danjiraha cusub ee Somalia u fadhin doona Maraykanka oo la magacaabay

Caydiid Ali

(Xog hoose) Maxaa ka jira Shiikh Shariif uu heshiis qarsoodi ah la galay Fahad Yaasiin?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---