Allbanaadir.com
NEWS

Saddex Jaamacadood oo shir Caafimaad ku soo gebagebeeyey Muqdisho (Sawirro)

Waxaa si guul ah kusoo dhamaaday shirka caafimadka kalkii 6aad( 6th Conference on Medicine and Health Science CMHS) ee ay wada qabtaaan jaamacaddaha ( Jamhuriya University of Science and , SIMAD University IYO ZAMZAM University of Science and Technology):

Shirku sannadkan wuxuu diiradda saarayay Caqabadaha Caafimaadka Dhimirka iyo Isticmaalka maandooriyaha.

Furitaankii shirka waxaa Kelmado soo dhowayn ah ka jeediyay Dr Kassim Abdi Jimale, oo ah gudoomiye ku xigeenka Cilmi baarista iyo horumarinta Jaamacadda Jamhuriya, Sidoo kalena ah gudoomiya Shirka 6aad ee caafimaadka. Sidoo kale waxaa kelmaddo ku aadan furitaanka soo jeediyay 1. Eng. Abdirazak warsame Abdulle, Gud, Ku xigeenka Arimaha waxbarashadda ahna Ku simaha Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuriya, 2. Eng Mohamed Mohamud Mohamed, Ku simaha Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD., 3. Gudoomiyaha Jaamacadda Zamzam Eng. Mohamud Mohamed Harbi, 4. Dr Lul Mohamed Mohamud, Ahna Gudoomiyaha Midwoga Dhakhaatirta soomaaliyed.

Ugu dambayn waxaa kelmado furitaan iyo dhiiri gelinta wadashaqaynta jaamacaddaha soo jeediyay Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadda Hon Mohamed Hassan Mohamed Bulaale.

Shirku wuxuu socday muddo labo maalin ah waxaa lagu soo bandhigay cilmi baarisyo kor u dhaafaya 20, waxaa jira labo dood cilmiyeed oo ay kasoo qaybgaleene in ka badan toban khubaro oo dalka gudihiisa iyo dibaddisaba ka yimid, afar keynote speech .

Maalintii 2aad waxaa lagu soo xidhay abaalmarino la siinayay Gudiddiga saddexda jaamacadood ee soo agaasintay qabsoomida shirkan,saddexda arday ee ugu saraysay cilmi baarisyadii ardaydu soo jeediyeen.

Waxaana gababadii Soo xidhay shirka, Gudoomiyaha Shirka, gudoomiyayaasha saddexda jaamacadood, Iyo Gudoomiyahay Midowga Jaamacaddaha Soomaaliyeed Dr Mohamed Mohamud Hassan (Dr bidey).

Related posts

Dil loo geestay Cabduqaadir Jawaari iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkaasi

Cabdi Cade

War xaqiijinaya guusha Madaxweyne Erdogan oo ka soo kordhay doorashada Turkiga

Caydiid Ali

Sargaal 9-bilood Suuxsanaa oo markii uu soo toosay Niyad Jab xoogan la kulmay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---