Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Howlaha Guud, Dib – u Dhiska iyo Guryeynta Dowladda Fedreaalka Soomaaliya Eng. Sadaq Abdullahi Abdi ayaa shir Sanadeedka Wasiirada Guryeynta & Dib u Dhiska Wadamada Carabta Fadhigiisii 34aad uga qeyb galey Magaalada Rabat ee Caasimada Dalka Morocco.
Shirkan oo looga hadlaayay arrimo ku Saabsan fulinta qorshah Horumarinta deegaameynta Dalalka Mandiqada Carabta ee Mustaqbalka dhow, ayaa waxaa Hadal dhaxal gal ah oo taabanaayo dadaalka Dowladda Soomaaliya ugu jirto horumarinta & dib u dhiska kaabayaaasha Dhaqaalaha dalka ee ku burburey dagaaladii sokeeye iyo Weeraradii kooxaha mayalka adag iyo horumarinta deegaameynta dalka iyo caqabadaha jira ee loo baahanyahay in Soomaaliya wax lagaqala qabto ka jeediyey Wasiirka Howlaha Guud, Dib – u Dhiska iyo Guryeynta Dowladda Fedreaalka Soomaaliya .
Sidoo kale Wasiirku ayaa wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeeshey dhigiisa Dalalka Morroco, Tunisia, Qatar, Suudaan iyo Masar , isagoo kala hadley xoojinta xiriirka Wadamada Carabta iyo Soomaaliya, waxey dhankoodana sheegeen in Soomaaliya ay gacan ka siin doonaan dib u soo celinta dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalah, Aqoonta tababarada & sidoo kale in ay maalgashi ka sameystaan Soomaaliya.
Gabagabadii waxaa shirkad Wasiiradda Carabta ee Rabat kasoo baxey go’aano ay ka mid ahaayeen
1: In Dowladaha ay aafeeyeen dagaalada sokeeye iyo dhibaatooyinka Dabiiciga iyo kuwa weeraradda aragagixiso laga garabsiiyo
2: Fulinta barnaamijka ”Goal11” kor u qaadista aqoonta Shaqaalaha Wasaarada, Naqshadeynta & Horumarinta Magaalooyinka
3:In Dowladaha Carabta si dhab ah u fuliyaan Ajanadaha Qorshaha Deegaameynta Magaalooyinka Carabta guud ahaa
4: In Dowladaha Carabta ay is dhaafsadaan Macluumaadka iyo Khibradaha Dhismooyinka Iyo Deegaameynta
5: In Shirkaa soo Socda lagu Qabto UAE 2018, Maadama ay Dowladda Isug taga Imaaraadku ay iyadu sidaas codsatey.
W:D Hussein Osman Ali
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com