Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dibed baxyo rabshado oo ka socda qeybo ka mid ah Nairobi (Daawo Sawirro)

Dibed baxyo rabshado wata ayaa maanta ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaasoo ay sameynayaan shacab taageersan Mucaaradka.

Waxaa dibed baxan ku dhawaaqay Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga oo maalmo la hadlayey taageerayaashiisa.

Odinga ayaa doorashadii sanadkii hore looga adkaaday, balse waxaa uu shaaciyay inay qaaddaceen natiijada doorashada oo aysan Madaxweyne Ruto u aqoonsanayn Madaxweyne.

Dadka dibed baxayaasha ayaa ka cabanaya arrimo ay ka mid yihiin in doorashadii dhacday sanadkii hore ay iyagu ku guuleysteen balse looga shubtay ayna taas tahay cadaalad daro.

Sidoo kale, waxay ka cabanayaan in wax laga qabto nolosha sii qaaliyoobaysa ee dalkaas iyo sicir barar ku yimid raashiinka iyo waxyaabaha kale ee nolosha daruuriga ah.

Booliska ayaa la hardamaya dadka dibed baxyada sameynaya oo jaray jidadka qaar iyagoo tuuraya dhagxaan, isla markaana gubaya taayero, Booliska ayaa xirxiray qaar ka mid ah dibed baxayaasha.

Dibed baxan ayaa saameeyey isku socodka dadka, gaadiidka oo aad u yaraaday magaalada Nairobi, iyadoo inta badan ay albaabada u xiran yihiin goobaha ganacsiga, waxaana meelaha uu saameynta ku yeeshay xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Booliska ayaa banaanbaxan ku sifeeyey mid sharci daro ah, waxayna dadka dibed baxaya ugu hanjabeen iney ka qaadi doonaan talaabo adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo xirtay Masuul katirsanaa Somaliland oo diiday in uu dhankooda kusoo biiro

Cabdi Cade

Ciidamada Puntland oo qabtay rag doonayay in ay ku biiraan Ururka Daacish (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan taageeray Weerarkii lagu qaaday Masjidyo kuyaala New Zealand oo talaabo laga qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---