Allbanaadir.com
NEWS

Weerar xeeladeysan oo caawa ka dhacay degmada Afgooye & faahfaahino ka soo baxaya

Iska horimaad culus ayaa caawa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo dhexmaray xoogag taabacsan Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Somalia ee degmadaas ku sugan.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadkan uu bilowday ka dib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerareen bar control oo ciidamada dowladu ku leeyihiin duleedka galbeed ee degmada Afgooye.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay iney iska soo dhigeen shacab la socday gaari rakaab, iyagoo markii ay soo gaareen agagaarka barta Control ka daatay gaariga rasaas lama filaan ahna ooda kaga qaaday ciidamadii halkaas ku sugnaa.

Dagaal muddo kooban socday oo goobtaas ka dhacay ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah oo halkaas ka dhowaa.

Tirakoob sax ah lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee weerarkan balse waxaa la xaqiijinayaa haweeney iyo oday waayeel ah oo goobta ka dhowaa ay ka mid noqdeen dadka ku naf waayey rasaasta halkaas la is weydaarsaday oo muddo ku dhow saacad socotay.

Ciidamo xoojin ah oo ka socday dowlada Somalia ayaa gaaray halkaas, waxayna wararku sheegayaan in goobtaas lagu arkay meydadka dhowr nin oo saraakiisha dowladu sheegeen iney ka tirsan yihiin kooxihii weerarka soo qaaday inkastoo aysan jirin cid ka madax banaan oo xaqiijisay.

Al-shabaab dhankooda kama hadlin iska horimaadkan balse kooxda ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey xoojisay weerarada ka dhanka ah ciidamada dowlada ee ku sugan degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Putin oo qaaday talaabo walaac cusub ku abuurtay Ukraine

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweynaha ugu da’da yar qaarada Afrika oo xilka loo dhaariyey

Caydiid Ali

Ciidanka dowlada oo isaga baxay degaan muhiim ah iyo Al-shabaab oo ku laabatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---