Allbanaadir.com
NEWS

Warqada lagu soo xiro Putin oo la tilmaamay in aysan waxba dhaamin tan musqulaha

Maxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC ayaa soo saartay waaran soo qabasho ah oo ku socda madaxweyanaha dalka Ruushka Vladimir Putin, kaas oo ay sheegtay in loo haysto eedo ka dhan ah xaquuqda Aadanaha  iyo dambiyo dagaal oo ay geesteen ciidankiisa.

Warqada waaranka ee lagu soo xirayo madaxweynaha Ruushka ayaana dhalisay hadal heyn aad u badan, waxaana dadka inta badan tilmaameyn in aysan jirin cid awoodda in xilligan soo xirro madaxweynmaha Ruushka.

Madaxweynihii hore ee dalka Ruushka Dmitry Medvedev ayaa go’aanka kasoo baxay maxkamadda caalamiga ee ICC ee lagu soo xirayo madaxweyne Putin ku tilmaamay mid lagu qoslo aan micno badan ku fadhin.

Waxa uu sheegay Dmitry Medvedev in warqada waaranka ee maxkamadda jartay uusan waxba ka duwaneyn sida uu tilmaamay warqada tiishka ah ee loo isticmaalo suuliga ama musqulaha .

Dhinaca kale Dowladda Ruushka afhayeen u hadlay ayaa sidoo kale waaranka kasoo baxay maxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC ku tilmaamay wax laga xumaado oon la aqbali karin, waxa uuna cadeeyay in Ruushka aysan marnaba aqoonsaneyn maxkamadda ICC.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Afrikan ah oo carooday kadib markii uu waayay Cumputerkiisa gacanta

Cabdi Cade

Aqalka sare oo Madaxweyne Farmaajo & Raisul Wasaare Khayre u qabtay Saddex cisho (Akhriso)

Caydiid Ali

Afhayeenka dowlad goboleedyada oo ka jawaabay hadalkii Wasaarada A/Gudaha Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---